Surat Al-Fātiĥah (The Opener) -
Somali
The new Quran SOMALI translation.
{1} Magaca Ilaahay Raxmanka ah ka ay naxariistiisu
caamka ay u tahay (Muslim iyo gaal iyo makhluqaatkiisa odhan), Raxiimka Ka ay
naxriistiisa gaarka u ah (Addoomihiisa suban maalinta Qiyaamaha).
{2} Mahad Ilaahaybaa iska leh Ilaaha caalamka
odan.
{3} Raxmanka ah ka ay naxariistiisu
caamka ay u tahay (Muslim iyo gaal iyo makhluqaatkiisa odhan), Raxiimka Ka ay
naxriistiisa gaarka u ah (Addoomihiisa suban maalinta Qiyaamaha).
{4} Ka iskaleh maalinta abaalmarinta
(Qiyaamaha).
{5} (Ilaahayow) adiganu ku caabudaynaa
keliga, adigana keliga iyaanu gargaar ku
waydiisanaynaa. (Ilaahay xaq wuxu u layahay in la
caabudo keligi)
{6} (Iaahayow) nagu hanuuni jidka
toosan.
{7} Jidka kuwii aad unicmaysay, kuwii
loo cadhooday iyo kuwii ambaday aan ahayn.
No comments:
Post a Comment